April 13, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Kooxda Shabaab ayaa beryahan buunbuuninayay nin ay Sheikh ugu yeereen oo gaaray buuraha Galgala ee gobolka Bari. Fool dheer ka dib kooxdu waxay la soo shir tagtay hadal si kooban marka loo yiraahdo lagu tilmaami karo “Tororog” oo talefoon looga duubay  Cabdulqaadir Muumin oo ka mid ah ragga Shabaabku Culimmada u yaqaannaan.

Cabdulqaadir oo aan xaqiiqo loo heyn in uu Galgala Joogo iyo in kale, wuxuu mar kale ku celiyay in Shacabka Soomaaliyeed ay gaalo yihiin ayna gaalada jecelyihiin. Wax cusub kuma jiraan waa isla lahjaddii kooxda oo aan is baddelin.

Wuxuu leeyahay Madaxda Puntland waa gaalo, Inta taageersan oo dhamina waa gaalo, waayo way ka haajiri waayeen dhulka gaalada oo uu ula jeedo Puntland.

Wuxuu yiri Muslimiinta Ethiopia iyo Kenya ayaa na taageersan!! Soomaaliduna dabcan aragtidiisa waa gaalo!

Wuxuu Shacabka  ugu baaqay in ay  haajiraan oo ay Godadka iyo Buuraha galaan, Macnuhu waa in Boosaaso iyo Garowe laga baxo ee buuraha Goolis nolol laga raadiyo. Haddii aan sidaas la yeelin Cabdulqaadir Muumin wuxuu ku gooddiyay in marka  “Islaamku” qabsado Puntland aan cudurdaar laga yeeli doonin shacabka “Murtadiinta ah”!.

Wuxuu ku “Bishaareeyay” in dagaal hadda kow yahay, taas oo macneheedu yahay: Waxaan dili doonnaa dad badan oo masaajid ka soo baxay, Waxaan qarxin doonnaa Suuqyo iyo iskuullo, Waxaan agoon ka dhigi doonnaa carruur badan, waxaan asaay u saari doonnaa hooyooyin badan, Si la mid ah Muqdisho iyo guud ahaan koofurta oo “Mujaahidiintu” dadaal badan geliyeen sidii ay adduunyada aakhiro ugu rogi lahaayeen.

Cabdulqaadir Muumin iyo kooxda qalloocan ee uu matalayaa waxay ka horjeedaan sunanka ilaahay ugu talo galay kownka iyo addoomadiisa, waa niman suurada Islaamka xumeynaya oo shahwadooda siyaasadeed ku gaaraya aayadaha Qur’aanka oo ay si khaldan u fasiraan.

Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo reerPuntland  waan hubaa inay ka garasho dheer yihiin heer ay u dheg raariciyaan baaqyo looga gol leeyahay in lagu wiiqo xasilloonida ay haystaan

COMMENTS