November 9, 2017 | Posted by admin

Waxaa Cabsi Wayn Laga qabaa in Gaadiidka Gaashaaman ee AMISOM lagu Weeraro Garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyo Xerada ugu Wayn Amisom ee Xalane.

Waxaa Gibi ahaan La hakiyay shaqooyinkii ka soconayay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kale waxaa hakad la geliyay  ku dhawaad 700 Shaqaale si kmg ah uga shaqeynayay Garoonka Aadan Cadde,Xerada Xalane iyo Turkiga,kuwaas oo la tuhmayo in ay ku jireen Rag dagaallama.

Warbixintu waxaa ay xuseysaa in 15 ka mid ah Shaqaalahaas loogu talagalay in ay weerar toos ah ka fuliyaan gudaha Garoonka iyo Xerada Xalane marka Gaadiidka Al-shabaab ka qaateen AMISOM ay ku qarxaan gudaha Xerada Xalane.

Sidoo kale waxaa la joojiyay guud ahaan Gaadiidka waaweyn ee dhismaha sida kuwa dhagxaanta iyo Carrada geyn jiray Garoonka Aadan Cadde.

Cabsida ugu Wayn ee Hada Jirta ayaa Ah in Laga Cabsi Qabo Ku dhawaad 4 Gaari oo AMISOM laga qabsaday.

Ilaa iyo hada Ma cado Faah faahinta ku aadan Qaabka Uu Weerarkaasi Laga Cabsi qabo Goobaha uu ku wajahan yahay, In kastoo aan Cadeemo Rasmi ah la heen.

Maxamed daacad Muqdisho.

Mxuseen973@gmail.com

COMMENTS