March 27, 2012 | Posted by admin

Waxaa xaflad aad loo soo habeeyay soo qabanqaabiyay dhamaan Jaaliyada Soomaalida ee ku sugan wadanka Ugandha waxayna ugu talagaleen Madaxweynaha Maamul Goboleedka Mareeg State Mudane Dayib M. Sheikh oo gaaray dalka Ugandha usbuucyadii aan soo dhaafnay isagoo booqasho Diplomaasiyadeed ku marayay dhamaan dalalka Afrikaanka ah ee ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.

Mudane. Dayib ayaa la kulmay dhamaan Bulshada rayidka ah, ururada xaquuqul Insaanka, Madaxda Maamul Goboleedyada, ururada haweenka Soomaaliyeed iyo xildhibaano ka socda DFKMG ah, waxuuna qudbadiisa ku xusay Madaxweynaha inuu soo dhaweeynayo dhamaan maamul Goboleedyada cusub iyo kuwii horey u jirayba, sidoo kale waxuu ka dhawaajiyay in Dowlad Goboleedka Mareeg State uu hoostago Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo waliba in maamulkiisu uu ka shaqaynayo wadajirka Qaranimada Soomaaliya.

M/weynaha ayaa haatan ku sugan Caasimada hooyo ee dalka Soomaaliya Muqdisho isagoo kulamo kala duwan la qaadanayo dhamaan bulshada Soomaaliyeed iyo waliba ururada iyo maamulada ka jira dalka Soomaaliya.

Dhamaan shirarkii kala duwanaa ee Madaxweynuhu galay ayaa ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.

NORTH AMERICA DUHUR MEDIA

MUKTAR KATIITOW

COMMENTS