December 1, 2012 | Posted by admin

iyadoo dhawaan Baarlamaanka dalka Holland fadhi ay yeesheen ay ku ku sheegeen in qof la mitaal ah ALLAH SWT la keeni karo ayaa arintaasi waxaa jawaab kulul ka bixiyay Ururka Al-Shabaab.

Sheekh Fu’aad Maxamed khalaf Shongole oo kamid ah Saraakiisha Ururka Al-Shabaab ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka dalka Holland hadalka aflagaadada ah ee ay jeediyeen ay ka qaadi doonaan tallaabo adag.

Fu’aad Shongole wuxuu sheegay in Allah SWT aysan jirin cid aflagaadeyn karta islamarkaana marwaliba uu leeyahay cisi iyo sharaf hadalka kasoo baxay Baarlamaanka dalka Holland uu noqon doono mid ay ka shanlaayaan.

Wuxuu sheegay in dhawaan ay hadalkaasi ka bixin doonaan Jawaab cad oo ku socota Baarlamaanka dalka Holland.

Fu’aad Shongole ayaa sidoo kale wuxuu shegay in masaajid ku yaala Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiran in ciidamada Ethiopia halkaasi ay ka dhigteen goob kaniisad ah islamarkaana masaajidka ay badaleen gabi ahaanba.

Majirto dad ka madaxbanaan Sheekh Fu’aad oo inoo xaqiijinaya in masaajid ku yaala Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi Hiiraan ciidamada Ethiopia ay ka dhigteen goob kaniisad ah.

COMMENTS