December 16, 2012 | Posted by admin

Dhammaan Safiiradda dowladda Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka ayaa lagu wargeliyay inay 10-ka bisha Janaayo xaadir ku soo wada noqdaan gudaha magaalada Muqdisho si uu safiir walba warbixin ugu keeno dalka uu safiirka ka yahay, wixii uu qabtay iyo arrimo kale oo la xariira xisaabaad la sheegay in lala sameynayo, waxaana laga cabsi qabaa in qaarkood xil ka qaadis lagu sameeyo marka ay magaalada yimaadaan ka dib, kuwaas oo diiday in xil ka qaadis lagu sameeyo hadda ka hor.

Sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah safiiradda Soomaaliya ee loo yeeray ayaa sheegay in wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ay casuumaad u kala dirtay dhammaan Safiiradda caalamka u fadhiya Soomaaliya, iyadoo nagu wargelisay buu yiri inay ka soo qeybgalaan shir muhiim ay ku sheegtay oo looga hadlayo waxqabadka iyo howlaha Safaaradeed ee Soomaaliya kaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 10-ka bisha Janaayo ee sanadka cusub.
Warar hoose ayaa sheegaya in wasaaradda arrimaha dibadda ay isbedel weyn ku sameyn doonto dhowr safaaradood, kuwaas oo loo magacaabi doono Safiiro cusub, inkastoo aysan jirin cid sirasmi ah arrintaasi u xaqiijisay.

Sida warku sheegayo wasaaradda arrimaha dibadda ayaa dooneysa in isbadelka dhacay inuu qeyb ka noqdo safaaraddaha Soomaaliya ee caalamka oo qaarkood magac u yaal ah, halka qaar kale aysan wax shaqo ah qaban, safaaraddaha la hadalhayo in isbadalka lagu sameyn doono ayaa waxaa ka mid ahaa qaar ka mid dalalka waa-weyn iyo ururada calamiga ee ay Soomaaliya xubnaha ka tahay, iyadoo sidoo kale lagu wado in la magacaabo siifiiro khibrad dheer u leh howlaha safaaradaha caalamka, kuwaas oo howgab ka dhashay dagaaladii sokeeye ku jiray 20-kii sano ee tagtay.
Inta aysan soo xaroon safiiradaasi ayaa la hadalayaa in wasiirka arrimaha dibadda iyo diplumaasiyiin kale ay booqasho ku tagaan qaar ka mid safaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dalalka caalamka, iyadoo ay xusid mudantahay in safaarado horey loogu balanqaaday dowladihii KMG ahaa ee soo maray Soomaaliya in dalal waa weyn ay ka furanayaan aan illa hadda la furin sababo aan weli lasheegin sida safaaradii ay Soomaaliya ku laheyd magaalada London oo ka mid aheyd kuwa howlgabka ahaa muddo dheer.

COMMENTS