February 2, 2013 | Posted by admin


Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee deeganada maamulka Soomaaliland Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu sheegay in deegaano ka tirsan maamulka Soomaaliland ay ku sugan yihiin rag ka tirsan Al-Shabaab.

Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu sheegay in qaar kamid shacabka Soomaaliland ay sheegeen in dad Kismaayo lagu arki jiray oo ka tirsan Al-Shabaab iminka ay ku sugan yihiin deeganada maamulka Soomaaliland.

Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayuu sheegay in looga fadhiyo waxkqabashada arimahaasi islamarkaana shacabka Soomaaliland oo iminka guux farabadani uu ka dhextaagan yahay ay mideeyaan.

Maamulka Soomaaliland ayuu sheegay inay ka indho qarsan tahay arimo dhowr ah oo ka taagan deeganada maamulkaasi Soomaaliland,dadka waxtabanaya loo baahan yahay in lala hadlo.

Hadalka kasoo baxay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee maamulka Soomaaliland wuxuu imaanaya iyadoo dhawaan Dowladda Britain ay ka digtay ammaanka deeganada maamulka Soomaaliland oo ay sheegtay in qataro dhanka argagixisada ay kusoo fool leeyihiin.

COMMENTS