September 1, 2010 | Posted by Duhur

Duhur: Kismaayo- Kullan magaalada Kismaayo ku dhexmaray qaar ka tirsan horjoogayaasha maleeshiyaadka Al shabaab iyo odayaasha dhaqanka beelaha daga jubbada hoose ayaa la isku fahmi waayay kullankaasi.
Nabadoon Nuur Cabdi Kulmiye oo ah mid ka mid ah nabadoona beelaha daga koonfurta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in beeshiisu ay horay lacago kala duwan u siisay Alshabaab balse tilmaamay in wakhti xaadiran aysan diyaar u ahayn in ay bixiyaan lacago iyo hub labadaba.
Nabadoonka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dadka ay ku sugay yihiin xaalado aad u liidata, islamarkaasna aysan awoodi karin, in ay dhiibaan dalab kasto oo ka soo baxa maleeshiyaadka Alshabaab ee magaalada Kismaayo.
Kullankaasi la ismaandhaafay ayaa ahaa mida ay soo qabo qaabiyeen horjoogayaasha maleeshiyaadka Alshabaab kuwaas oo nabadoonada beelaha daga jubooyinka ku amaray in ay bixiyaan hub iyo lacago ay dagaalada ay ka wadaan koonfurta Soomaaliya ku sii huriyaan.
Qaybihii hore ee kullankaasi ayaa ahaa mid uu ka dhashay marun balaaran oo dhexmaray maleeshiyaadka Alshabaab iyo nabadoonadii kullankaasi loogu yeeray iyadoo qaar ka mid ah nabadoonada beelaha daga jubooyinku ay kullankaasi isaga soo baxeen.
Dhamaan nabadoonada ka qayb galay kullankaasi ayaa sheegay in aysan gabi ahaanba garaneynin meel ay ka keenaan lacagaha iyo hubka ay maleeshiyaadkaasi weydiisteen.
Sheekh Cabdi Wahaab Cumar oo ka mid ah nabadoona beelaha daga jubooyinka ayaa sheegay in shacabka laga daayo barokicinta joogtada ee lagu hayo iyo dhibaatooyinka joogtada ee loo geysto shacabka ku dhaqan jubooyinka.
Dhanka kale waxaa soo baxaya hanjabaado ka imaanaya maleeshiyadka Alshabaab oo ku wajahan nabadoonada ka biyo diiday.

COMMENTS