December 19, 2012 | Posted by admin

Garowe – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegay in illaa toddoba nabadoon oo ka timid magaalada Boosaaso xalay xabsiga loo taxaabay.
Odayaasha la xiray waxaa ku jira Nabadoon Shoonbe, Waxayna ahaayeen nabadoono dhowaan ka yimid magaalada Boosaaso si ay ula kulmaan Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo waxgaradka kale ee reer Puntland ee ku sugan magaalada Garowe si looga arinsado qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Odayaasha waxaa laga qabtay guryo iyo hotelo ay ka deganaayeen magaalada Garowe.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xersi Cali Qarjab oo saaka warbaahinta gudaha ka hadlay ayaa sheegay in odayaasha la xiray aaney ahayn nabadoono balse ay ahaayeen “dad u yimid Garowe qas inay ka abuuraan, lagana hortagay, amarkana WAXAA na siiyey Madaxweyne Faroole, waa siduu hadalka u dhigay gudoomiyuhu.

Beryahanba waxaa magaalada Garowe ku soo qulqulayey isimo, waxgarad iyo nabadoono si ay ugu yeeshaan Garowe kulanweyne looga arinsanayo masiirka Puntland wixii ka dambeeya 8-da Janaayo 2013 oo ah waqtiga uu xilka ka dhamaanayo madaxweyne Faroole iyo xukuumadiisa.

COMMENTS