November 23, 2012 | Posted by admin

Qardho: Iyadoo maanta oo Jimce ah, madaxweynaha maamulka Puntland doonayey inuu booqasho ku tago magaalada Qardho oo ka mid ah magaalooyinka Puntland ayaa ka hor tegitaankiisa iyo kadiba waxaa dhacay debadbaxyo rabshado wato oo isaga iyo xilli kororsigiisa lagu diidanaa.

Debadbaxyada dhacay oo inta badan ay sameynayeen dumar iyo carruur ayaa waxaa markii dambe kusoo biiray dhallinyaro iyo dad waaweyn, iyadoo uu dhacay khasaare soo gaaray dadkii mudaaharaadayey kadib markii ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntalnd rasaas ku kala ceyriyeen dadkaas.

Waraka laga helaya magaalada Qardho ayaa sheegaya iney jiraan dad ku dhintay rasaasta ciidamada, iyadoo dhimashadu gaareyso qof haweyney ah dhaawaca 3 kale, sida laga soo xigtay Isbitaalka guud ee magaaladda.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo ka warhelay rabshadaha magaaalada ka socda, ayaa gawaarida dhigtey meel magaalada banaankeeda ah halkaas oo ay ku sugnaayeen cabaar, waxaana halkaas ugu tegey qaar kamid ah maamulka degmada, wasiiradii horey magaalada ugu sugnaa iyo qaar kamid ah taageerayaashooda.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo galay magaalada oo xiligaasi u muuqatay goob dagaal ka dhacay uuna weli muuqday qiiqa taayeradii jidadka lagu gubay, waxayna gaadiidka Madaxweynaha galbinayey ay si xawli ah ku mareen laamiga iyada oo taayiradu weli meelaha qaar ku dhex-gubanayaan.

Salaadii Jimcaha markii laga soo baxay ayaa mudhaaradku dib u bilowdey waxaana dadku aadeen guriga uu degay Madaxweynaha Puntland ee uu iska leeyahay Xildhibaan Siciid Cabdullaahi Deni.

Ciidamada Illaalada madaxweynaha ayaa raasaas ku riday dadka halkaasi isku aruursaday lakiin dadka ayaa la sheegay iney ka madax adeygeen iney goobtaas faarujiyaan.

Markaas kadib waxaa goobta gaaray qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka magaalada oo dadkii ku qanciyey iney ka tagaan meelaha ku dhow guruga uu madaxweyne Faroole ku suganyahay.

Debadbaxayaasha oo watay boorar ay ku diidanyihiin muddo kororsiga Faroole ayaa ku dhaqaaqay arrin la yaab leh, kadib markii ay xayawaanka loo yaqaano dameerka far madow kula qoreen “No Faroole) oo ah Faroole ma dooneyno.

Midaharaadkan looga horjeeday madaxweyne Faroole ayaa la sheegay inuu maanta halkaas ka qarxay kadib maamulka magaaladu abaabuleen debadbax lagu soo dhaweynayey madaxweyne Faroole, waxaana dad kale oo diidan Faroole mar qura lasoo boodeen mudaaharaadkan ka dhanka ah.

Madaxweyne Faroole oo waqtigiisu ku egyahay dhamaadka sanadkan 2012 ayaa la sheegay inuu doonayo inuu muddo sanad ah xilka ku kororsado, taasoo ay diidanyihiin siyaasiyiin badan oo reer Puntland ah.

COMMENTS