December 30, 2012 | Posted by admin


Boosaaso: Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo shalay booqdey isbitaalka guud ee magaalada Bosaso ayaa ka hadlay muranka ka taagan muddo kororsiga uu doonayo ee sanadka ah.
Madaxweyne Faroole ayaa meesha ka saaray inuu ku dhaqaaqay muddo kororosi, wuxuuna ku dooday markii horaba dowladdii la doortay muddo 5 sano ah.

“Mid ayaan idiin sheegayaa maba jirto muddo aan kororsaney, 5 sano ayaa nalaku doortey iyada ayaana dhamaysaneynaa, inta noo harteyna xisbiyada ayaan hirgelineynaa, idinka ayeyna idin ku xiran tahay in aad hirgelisaan, haddii kale odoyaashayadaas ayaa idin hortaagnaanaya” ayuu yiri madaxweyne Faroole.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in dadka mucaaridka ku ah qaarkooda ka baqayaan iney ka qeyb qaataan tartanka axsaabta, isagoo kuwa kalana ku tilmaamay kuwa aan taariikh wanaagsan laheyn.

Faroole wuxuu ku adkeystay in muddada sanadka ah lagu dhameyn karo diyaarinta doorasho ay ka qeybqaataan ururro siyaadasee, wuxuuna yiri “Oo maxaa loogu dhamayn waayey tii ka weyneyd ee Federaalka ayaan sanad ku dhamayney”.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in markii hore lagu doortay dastuurka lagu doortey madaxweynahii ka horreeyey Cadde Muuse Xirsi, kaasoo ahaa 4 sano.

COMMENTS