March 11, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Garoowe: Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland oo ka hadlayay Xaflad ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in dowladda KMG ah aysan u madax banaaneyn in ay ansixiso Maamul goboleedyada cusub.

Madaxweyne Faroole ayaa waxa uu sheegay in qaabka iminka ay ku soconayaan Maamul goboleedyada la dhisayo ay yihiin kuwa aan sharci aheyn, maadaama sida uu tilmaamay iyadoo aan kalsooni laga heysan shacabka la iska dhisayo, taasina ay magac xumo ku tahay Maamulka Puntland, isagoo sheegay in dowladda aan iska ansixin karin iyadoo arrimahaasi aan ka warheyn Maamulka Puntland.

C/raxmaan Faroole oo hadalkiisa wata ayaa waxa uu shaki galiyay wada hadal dhexmara Maamulka Somaliland iyo dowladda KMG ah, waxaana uu sheegay in wada hadal walba oo lala yeelanayo Somaliland lagama maarmaan ay tahay inay goobjoog ka ahaato Puntland, maadaama sida uu tibaaxay labada Maamul uu ka dhaxeeyo waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhulal si sharci daro ah looga haysto Puntland.

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli muddooyinkii lasoo dhaafay dalka ay kusoo badanayeen dhisidda Maamul goboleedyada kuwaasi oo mid waliba uu balan qaadayay in uu wax u qabanayo shacabka ku nool goobaha ay Maamulka u dhiseen ee Soomaaliya.

COMMENTS
  1. Cabdi Daayoow said:

    aree baacaan haleeska qabtaan dhihi lahaay

  2. Abdirisak said:

    ASC /Dhamaan : Aniga waxaan dhihi lahaa Arinta ka soo yeertay
    FAROOLE waa arin ubaahan in Madax weenaha KMG ee soomaaliyeed uu Raisal wasaaraha Dawladiisa C/Wali uu Casilaa , madaama uu Howshiisii Gabay , Hadiiba uu Dawladiisa u hadli karin ama uu Gudoomiyaha Puntland u jawaabi karin .waa in C/Wali uu is casilaa ama FRAOOLE eey kasoo dhigtaan ninka u sharaxan
    Raisalwasaara Dawlada KMG .
    Waxaan dhihi lahaa aaway Gudoomiyaha Gobolka Banaadir TARSAN adigane waa inaad Gudoomiyaasha Goboladda aad ujawaabtaa ama aad siisaa Siminaaro lagu tababaraayo si eey u ogaadaan waxeey wax ka dhihi kraan iyo waxa kale , Soomaaliyey hadii aan hada in dhaha ka qabsano qaladda dhacaya biri waxaa nasugaya in ninkasta dawladda afka lasoo galayo .

  3. Kaariye said:

    Bal daya waxaani! Faroole iyo wax la mid ah hadey dowladda amar ka qaadaneyso ama ay isku awood yihiin, dowladaas ma ahan dowlad karaamo iyo sharaf ka yeelaneysa caalamka iyo dalka gudihiisaba ee waa dowlad dulleeysan oo weliba bah dilan. Faroole waa in la ogeysiyaa inuu hoos yimaado dowladda Sheekh Shariif ee uusan la sinneyn ama ka sareeyn.

  4. Isra said:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk walaahi this guy thinks that he is the president of Somalia not a president of one state or one qabiil so if he thinks he can talk how ever way he wants so can everybody enough is enough