January 9, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ugu baaqay ciidamada ammaanka ee ka howlgala Kantaroolada wadooyinka soo gala magaalooyinka waaweyn ee Puntland inay celiyaan qaxootiga ka imaanaya gobolada aan nabdooneyn iyo kuwa ay abaaruhu ka jiraan ee dalka.

Dr. Faroole wuxuu si gaar ah uga hadlay Dumarka iyo Caruurta oo uu sheegay inay u badan yihiin xaasaska iyo caruurta Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye, wuxuuna Booliska amar ku siiyey inay dib u celiyaan cid walba oo sheegta inay kasoo barakacday koonfurta dalka.

Faroole waxa kale oo uu tilmaamay in xiligan heerka xaaladaha abaartu uu aad hoos ugu dhacay, islamarkaana dadkii abaarahaas ka soo firxaday ay joogaan magaalada Muqdisho, halkaasna Caalamku ku taageero, sidaas darteenda aysan ahayn in dhinaca Puntland ay soo abbaaraan.

” Caruur iyo Naago qaxooti iska soo dhigaya oo baabuurta la socotana waa la sheegayey, waxaan caawa halkan ka sheegayaa ciidamada amnigana aan farayaa in maanta halkan aan loo soo qixin” Dr. Faroole ayaa yiri.

Dhegeyso

Wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata intaas raaciyey in Puntland xog hoose ay ku hayso in qoysaska soo barakacayaa ay yihiin xaasaska rag Shabaabka ka tirsan oo uu sheegay in qaar kamid ahi baabuurta ariga keena ay kusoo dhuuntaan, qaarka kalena ay qorsheynayaan inay dhinaca badda Puntland kasoo galaan isagoo arintaas ka hadlayana wuxuu yiri:

” Waa Shaydaan Caruurtii iyo Naagihii soo dirsaday isaguna inuu badda kasoo laabto raba sida aanu wararka hoose ku hayno, marka caruurtiisa yuusan halkan keensane meeshii uu markii hore ugu tala galay ha u diro dibna haloo cesho”.

Si kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo saameynta ay arintani ku yeelan doonto Barakacayaasha ka yimaada gobolada koonfurta ee Puntland usoo aada si ay nolol fiican iyo nabad uga helaan, wuxuuna madaxweynuhu warkan sheegay xilli uu ka khudbadeynayey xaflad lagu xusayey sanad guuradii 3-aad ee kasoo wareegtey xiligii uu xilka qabtay kana dhacday xarunta madaxtooyada ee Boosaaso.

Xigasho: HM

COMMENTS