January 11, 2018 | Posted by admin

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wadiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in maanta uu gaaro Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay ku hoyday Magaalada Qardho,waxaana uu safar labo cisho ah ku tagay Garoowe oo ah xarunta Maamulka Puntland.

Safarka Madaxweynaha ee Boosaaso,waxaa ku xigta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,halkaas oo uu ka billaabayo safarka degaannada Galmudug.

COMMENTS