August 11, 2012 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa galabta looga yeeray Xarunta Xalane oo Talis u ah Ciidamada AMISOM.

Sida ay sheegayaan wararka kulankan oo ahaa mid looga hadlayay ammaanka ayaa waxaa uu dhex maray Mr Farmaajo iyo Kuxigeenka Ergeyga Midowga Afrika Wafula Wamunyinyi iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM, iyadoo kulanka uu ahaa mid muddo badan qaatay oo ay albaabada u xirnaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadlay shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, markii banaan baxayaal taageersanaa Farmaajo lagu rasaaseeyay agagaarta Taalada Sayidka, iyadoo shaqaaqadaas ay ku dhinteen labo ruux oo mid uu ahaa askari ka tirsan dowladda, halka labo kalena ku dhaawacmeen.

Ilo wareedyo ayaa in Saraakiisha AMISOM ay ku wargeliyeen Farmaajo in aanu adeegsan mar kale dadweyne isaga taageersan oo magaalada isu soo bax ka dhiga, si aanay amniga magaalada u qal qal gelin, isla markaana wixii shalay dhacay oo kale aanay mar kale imaan.

Sidoo kale waxaa looga codsaday in arrimaha socda gaar ahaan dhinaca ammaanka aanay saameyn ku yeelan ololihiisa doorashada, waxaana si gaar ah looga hadlay sidii musharaxiinta looga ilaalin lahaa Ciidamada kala duwan ee dowladda oo aanay musharaxiinta isticmaalin.

Waxaa kaloo kulanka oo qeybka ahaayeen Saraakiil ka tirsan dowladda la faray inay la socodsiiyaan musharaxiinta kale inay ammaanka adkeeyaan oo aanay dano siyaasadeed u isticmaalin Ciidamada dowladda, waxaana la sheegay in si wada jir ah ay uga soo saari doonaan go’aano la xiriira ammaanka Muqdisho inta lagu guda jiro doorashada dhowaan dhici doonta.

Inkastoo aanay jirin war saxaafada si toos ah loo siiyay ama Musharaxa Farmaajo uu si gaar ah saxaafada uga warbixiyay kulanka maanta uu la qaatay Saraakiisha AMISOM ayaa ku soo aadaya maalin kadib markii uu magaalada Muqdisho ku soo laabtay muddo sanad kadib.
Maalintii shalay ayay aheyd markii kulan deg deg ah oo ay yeesheen Gudiga Amniga qaranka oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha loogu baaqay Musharaxiinta inay dowladda ogolaansho weydiistaan in ammaankooda sugaan, isla markaana aanay Ciidamada qalabka sida dano kale u isticmaalin.

COMMENTS