January 13, 2013 | Posted by admin

-Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande  ayaa amar ku bixiyay in dardar la geliyo adkeynta amaanka gudaha ee dalkaasi  kadib markii ciidamo ka tirsan faransiiska ay howlgal mileteri ka fuliyeen wadamada Somaliya iyo Mali.

Talaabadan ay Dowlada Faransiiska ku adkeynayso amaankeeda gudaha  ayaa ah mid ay dowladu uga hortagayso sida ay sheegtay suurta galnimada  weerar ay ku sheegtay inay muslimiin mayal adag  ku qaadaan kadib markii ay faragelin mileteri ku sameeysay dalka Mali oo ay isaga soo horjeedaan xukuumada Mali iyo kooxo lagu tilmaamay xaqjiriin  oo qabsaday waqooyiga  w adalkaasi welina ku sii fidaya degaano hor leh.

Faransiiska ayaa waxaa dalka Mali looga dilay duuliye diyaaradeed ka gadaal markii ciidamadeeda halkaa ka geysteen duqeyn cirka ah sidoo kale waxay faransiiska laba askeri ku waayeen hawlgal fashilmay oo ahaa isku day ay ku soo furan lahaayeen sarkaal looga haystay Somaaliya oo ka dhacay degaanka buula mareer sarkaalkaasi oo sida dowlada faransiisku sheegtay loo maleynayo in la dilay.

Madaxweyne Francois Hollande oo magaalada Paris ee caasimadda dlaka Faranasiiska kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu isagu amray weerarka lagu qaaday deegaanka Buula Mareer si loo soo furto sarkaal muddo 3 sano ah Alshabaab ka heysteen oo lagu magacaabo Denes Allex.

”Aniga ayaa gaaray go’aanka lagu weerary Buula-mareer dhowr maalmood ka hor, si loogu soo furto sarkaal nalaga heystay muddo 3-sano iyo bar ah, kaasoo ku noolaa xaalad adag, howlgalkaasi laguma guuleysan, 2 askari ayaana naftooda u huray iyo sarkaalkii horay loo heystay” ayuu yiri Francois Hollande.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa u tacsiyeeyey qoysaska askartii ku geeriyootay howlakii Buula-mareer ee dhicisoobay, wuxuuna sheegay in tilaabada ay qaadeen ay muujineyso sida Faransiisku u diidanyahay falalka uu ugu yeeray argagixisada.

Madaxweynaha faransiiska ayaa  ku tilmaamay labadaasi askeri ee somaliya uga dhintay inay ahayeen geesiyaa naftooda u hibeeyay sharafta dalkooda iyo tan nolasha la haysataha loo maleynayo inuu weli gacanta ugu jiri xarakada Al-Shabaab.

Markii uu Madaxweynaha faransiiska Fransuwa Holand  uu ku dhaowaaqay amarka deg deg ah ee la geliyay amaanka dalkiisa  ayaa waxaa heegan buuxa kii ugu sareeya la geliyay  meelo badan oo dalkasi ka mid ah  kaa oo looga hortagayo falal ay ku tilmaameen argagixisnimo oo lala beegsado gudaha faransiiska.

Wuxuuna Fransuwa Holand   sheegay in dagaalka lagula jiro ka hortago argagixisnimada uu u baahan yahay foojignaan iyo dadaal dheeri ah in lala yimaado siiba gudaha farance isagoo dhanka kale digniin u jeediyay mid ka mid ah koox diimeedka  ku sugan dalka Mali oo haatan ciidamada dalkiisa  dagaal kula jiraan.

Afhayeen u hadlayay  Jamaacad ka dagaalanta dalka Mali ayaa wakaalada wararka ee Rowter  u sheegay in muwaadiniinta faransiiska ee Mali ay la kulmi doonaan cawaaqib xuumo hadii farance ciidamadeeda kala bixin dalka Mali oo dhaacda galbeedka Afrika.

Weerarka ay ciidamada faransiiska ku qaadeen Mali iyo howlgalka ka dhacay degaanka Buula Mreer ee dalka Somaliya ayaa waxa ay dhaceen waqti daqiiqado yar u dhaxeeya  wallow dowlada faransiiska ayan cadreynin inay labadaasi weerar hal mar la qorsheeyay.

Ciidamada faransiiska ayaa waxa dalka Mali galeen Jimcihii la soo dhaafay kadib markii ciidamada xukuumada Mali looga itaal roonaaday dagaalka ay kooxha ka soo horjeeda kula jirto lagana qabsaday  goobo badan oo istaraatiiji ah.

Mutamaridiinta Mali ayaa la sheegay inay haystaan dhul aad u baaxad weyn oo ku yaal  waqooyiga dalkaasi waxayna qabsadeen bishii abril ee 2012kii.

Dhanka kale howlgalkii fashilmay oo ay ciidamada komandooska faransiiska ku soo furan lahaayeen sarkaal looga haysto Soomaaliya oo  saanadkii 2009 gacanta u galay xarakada Al-shabab  ayaa waxa u Madaxweynaha faransiiska ku tilmaamay inuu ahaa mid aad u adag oo ay ciidamadooda iska cabin xoogan kala kulmeen ciidamada al-shabab..

Dhanka kale Wasaaradda difaaca Faransiiska ayaa sheegtay in hal askari uu ka dhintay mid kalena la la’yahay kadib weerar rakaasi ay  ciidankoodu ka fuliyeen Somalia si ay u soo furtaan lahayste Faransiis ah oo Soomaaliya lagu haystay tan iyo sannadkii 2009.

Saraakiil Faransiis ah ayaa sheegay in lahaystaha Faransiiska oo lagu magacaabo Denis Allex lagu dilay weerarkaasi lagu soo furnan laha.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay dileen 17 dagaalyahaniinta Soomaalida ah.

Ururka Alshabaab ayaa sheegay in Alex Denis uu weli nool yahay, uuna ka fogaa goobta lagu dagaalamay, waxayna Alshabaab ku tilmaantay qorshii soo furashada Alex Denis mid guul dareystay.

Weerarka soo furashada ayaa bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan kumaandoosta Faransiisku oo watay diyaaradaha helicopterradu ay weerareen guri ku yaalla tuulada Buula-Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan Buula-mareer ayaa sheegay inay maqleen rasaas iyo qaraxyo wax yar ka dib markii diyaaradaha qumaatiga uu kaca helicopters-ku ay soo weerareen halkaasi. Sidoo kalena waxa ay sheegeen inay arkeen dadku dhintay dagaalka, inkastoo aysan kala cadeyn dadka dhintay.

COMMENTS