DUHUR-Qaar ka mid ah faanaaniinta ku nool qurbaha oo in muddo ah ka maqnaa dalka ayaa maanta dib ugu soolaabtay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si diiran ugu soodhoweeyeen haween ka kale yimid dagmooyinka gobolka Banaadir.
Faanaaniinta maanta dalka dib ugu soolaabatay ayaa waxaa ka mid ah fanaanka Cabdi Shire Jaamac “Ciyaar Jecel” iyo C/xakiin Ciise Geedi Farayare kuwaas oo ka wadatirsan kooxda Qeyla dhaan ee ka dhisan wadanka Britain.
Fanaanka weyn Cabdi Shire Jaamac Jooqle “Ciyaar Jecel” oo saxaafadda kula hadlay garoonka ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu ka tagan sanadkii 1986, isagoona tilmaamay in maanta ay u soortagelisay in uu dalka dib ugu soolaabto dowladda Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sida kuwaas oo naftooda u huray nabad kusoo dabaalida dalka.
Sidoo kale C/xakiin Ciise Geedi Farayare oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in dalka uu ka maqnaa mudo 23 sano ah sidaa daraadeedna uu maanta ku soodhiiraday uu dib ugu soolaabto maadama dalka uu ka jiro isbadal xooggan oo dhanka amaanka ah.
Fanaaniinta ayaa si wadjir ah ugu baaqay Qurbo joogta Soomaaliyeed in ay dalka dib ugu soolaabtaan si ay uga qeyb qaataan dhisida dalka.

All Posts
BBC 0400 GMT








