December 11, 2012 | Posted by admin

Fanaanniintan caasimadda dib ugu soo laabtay  ayaa waxaa ka mid ah C/xakiin Ciise Geedi Fara-yare, khaalid Shariif Axmed “King Khaalid” iyo Xasan Cujeyr Cajami kuwaas oo muddo 21 sanno ka badan dalka ka maqnaa, waxaana Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyey Guddoomiye ku xiggeenkii hore ee gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shaawey, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, dadweyne tiro-badan  iyo Fanaanniin ay ku jiraan Bar-baarta Gaashaaman.

Soo dhaweyntaasi kaddib ayey fanaanniintu inooga warameen dareenkooda ku aaddan ku soo laabashada dalkooda iyo fikirka ay ka heystaan waxyaabaha ka jiro dalka, Khaalid Shariif Axmed “Kiin Khaalid” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dib in uu dib ugu soo laabto dalkiisa isagoona ugu baaqay Soomaalida ku nool dalka dibadiisa in ay dib ugu soo laabtan wadankooda.

Sidoo kale guddoomiye ku xiggeenkii hore ee gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shahweye ayaa u muujiyey Fanaanniinta sida ay ugu faraxsan yihiin in dalkooda ay yimaadaan, waxa uuna tilmaamay in Fanka uu ka turjumayo nabadda dalka ka jirta, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey in dad kale ee dibadaha ku maqan iyana dib u soo laabtaan.

Fanaanniintan ayaa muddo aad u badan ka maqnaa dalka, waxayna ku biirayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dib u helay fursad qaali ah oo ay ugu soo laabtaan dalkooda oo nabad ah, isla markaana ay ka jirta dowlad.

COMMENTS