September 1, 2010 | Posted by Duhur

Fanaanada Caanka ah ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame oo todobaad kahor soo gaartay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa ka kulantay hanjabaad xoog leh oo kaga timid xubno taageersan ururka al shabaab oo ku sugan magaalada Kampala.

Saado Cali Warsame oo magaalada Kampala u timid bandhig faneed ay maalinta CIIDa si wada jir u qabanayaan iyada iyo abwaan Maki Xaaji Banaadir ayaa 29- kii bishan laga soo wacay telefoonka No NUMBER waxaana loo cadeeyay in maalmaha soo socda talaabo laga qaadi doono, arintaas oo wel wel iyo cabsi xoog leh ku beertay.

Saado ayaa dhinaca kale sheegtay in aaney wax barnaamij ah sameyneynin ilaa iyo inta laga damaana qaadayo amaankeeda, 1- dii july ee sanadkaan ayaa sidoo kale loo hanjabay dhalin yaro soomaaliyeed oo qaban qaabineysay xaflad lagu maamuusayay maalinta xormimada iyo midowga labada gobol koofurta iyo waqooyiga soomaaliya, halka uu ururka al shabaab ka sheegtay qaraxyadii 11- kii july ee sanadkaan loo geystay kampa;a oo ay ku naf waayeen 79 qofood.

COMMENTS