March 16, 2014 | Posted by admin

Fannaanada caanka ah ee lagu magacaabo Farxiya Maxamed Cabdulle (Farxiya Kabayare) ayaa shalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho iyadoo ay halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyeen fannaaniinta qeybaha kala duwan, barbaarta gaashaaman iyo dadweyne fara badan oo ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa fannaanada Farxiya Kabayare soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada Dowladda iyo mas’uuliyiinta garonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport.

Fannaanada Farxiya Kabayare ayaa diyaaradii ay saarneyd markii ay soo caga dhigatay garoonka markiiba isla markaana caga dhulka dhigtay waxay dhunkatay dhulka iyadoo wejigeedana uu ka muuqday qiiro aad u weyn iyo kalgacal ay u qabto inay dib ugu soo noqoto dalkeeda hooyo.

Farxiya Kabayare ayaa hoolka shirarka ee garoonka diyaaradaha Muqdisho waxay kula hadashay Saxaafadda, iyadoo sheegtay in dib ugu soo noqoshada dalka ay ku casuuntay hay’adda wadahadalka bulshada CCD, iyadoo xustay inay dalka ka maqneyd muddo ka badan 12-sano, waxayna sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay dalkeeda hooyo dib ugu soo laabato iyadoo ku faraxsan horumarka iyo bilicda ka muuqata magaalada Muqdisho.

Saxaafadda uu wax ka weydiisay waxa ay qaban doonto Farxiya marka ay nasato, waxay sheegtay inay siddo laba hees oo ay ugu talo gashay ciidamada qalabka sida ee Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo hees lagu ammaanayo waxqabadka garoonka diyaaradaha, waxayna xustay in 20-ka bishaan ay dhigi doonto banaamij ay ugu talo gashay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo u mahad celisay hay’adda CCD iyo dhammaanba dadkii soo dhoweynteeda ka qeyb qaadatay.

Dhinaca kale Fannaanada caanka ah ee Farxiya Kabayare oo iyadu ka mid ah fannaaniinta luuqdooda iyo heesahoodaba ay si weyn u jecel yihiin bulshada Soomaaliyeed, ayaa imaatinkeeda wuxuu ku soo beegmayaa xilli dhegaha shacabka ay maqli lahaayeen heeso iyo barnaamijyo kala duwan oo ay ku sameysay dalka gudihiisa.

NORTH AMERICA DUHUR MEDIA

MUKTAR KATIITOW














COMMENTS