December 18, 2014 | Posted by admin

Kaadirka Urur diimeedka Damujadiid Faarax Sheekh Cabduqadir (oo ka soo jeeda beesha SHEEKHAAL AW-XASSAN) kana mida Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia (ee beesha 5’aad) ayaa isku diyaarinaya inuu qabto xilka gudoomiye ku xigeen baarlamaanka oo uu baneyn doono Dr. Iikar Nuur Jeylaani (oo isagana ka soo jeeda beesha 5’aad)

Faarax Cabduqadir ayaa qorsheeyay in Iikar Nuur loo magacaabi Wasiirka Dastuurka ee xukumaada la soo dhisi doono (Waa haddii Xukuumada Cumar Cabdi-Rashiid ay kalsooni ka hesho baarlamaanka).

Faarax Cabduqadir ayaa doonaya inuu si weyn uga difaaco kooxdiisa Damujadiidka sharciyada baarlamaanka iyo codadka baarlamaanka oo muhiimad weyn yeelanaysa xilliga 2016 maadaama jilicsanaan weyn laga dareemay Gudoomiyaha baarlamaanka.

Sababta Faarax Cabduqadir uga tanasulay xilkiisa Wasiirnimo ayaa la xaqiijiyay iney ka dhalatay qorshe ay si wadajira u degeen Isaga iyo Shariif Sakiin ,waxeeyna qorsheeynayaan in laga taqaluso Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Ku xigeenka Mahad Cawad.

Faarax Cabduqadir wuxuu isu taagi doonaa xilka Gudoomiyaha ku-xigeenka Baarlamaanka, waxaana sidoo kale la diyaarshay lacagtii xilka tuurista Gudoomiye Jawaari.

COMMENTS