March 15, 2012 | Posted by admin

Waraysiga  Warmoogayaasha!

Aqriste ha degdegin, hana xanaaqin, ha fududaan, caro iyo ciil ha qaadin! Kolley  Warmoogayaasha haddii la waraysto waxyaabo badan oo dadka ka cadhaysiiya ayaa la arkayaa, sheekadani waxay dhexmartay wariyaha  guda ama guureeyaa waa: wariye Miiggane, wariye Miiggane, inta badan waxuu si toosa iyo si dadbanba u waraystaa warmoogayaasha, warmoogayaashuna way jecel yihiin in mar walba la waraysto! Haddii aan  todobaadkii mar la waraysan warmoogayaashu xaalkooddoodu ma wanaagsanaato, waxayna u maleeyaan in miisaankooda siyaasadeed  hoos u dhacay, haddii la waraystana  Warmooge waa Warmooge!

Waxuu yidhi Ina Xagaa Dheere: (Haddaanu hadalnana waa af sallax ku dheg, haddaanu aamusnana Adhiga sidan laga dayn maayo).

Waraysigu waa dheeryahay , ee aan guda galaynaa innaga oo soo koobayna, maadaama waqtiga aan haysanaa uusan nagu filnayn.

Wariye MiigganeWarmooge : Maxaad qabateen? Maxaa isbedela? Sideebaadse wax u qaban doontaa mudada yar ee foodda innagu soo haysa? Xaaladda wadanka ee cakiran iyo kala daadsanaantan faraha badan.

Warmooge: Wax badanaan qabannay,  beledkii nimankii Alqaacida ahaa waa ka sifaynnay, haddaad caasi raacdo Suuqa Xoolaha ilaa iyo Bakaaraha cid ku hor joogsanaysaa ma jirto, walax afduubanna arki maysid,  meel god laga faagayaa ma jirto, Qabri la qodayana ma jirto.

Wariye MiigganeMudane Warmooge: Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: (Ninna xantiisa ma mooga) sidaa awgeed,  Adiga oo ah Warmoogaha umaddani ku jiifto, ee ay fiirsanayaan, waxaa la sheegayaa inaadan awood u lahayn inaad shaqaadada ciddii soo faragelisa sida dadyoowga banaanka iyo shaqaalaha  caalamka sida Wakiilka u qaybsan Jimciyada Qilaafyada ee Ma Hinge,  inaadan si dhab ah ugu sheegi karin, inuu la mid yahay Ergooyinka kale ee wadanka jooga, maxay tahay sababta?.

Warmooge : Aniga shaqsi ahaan, xaaladda wadanka si aada ayaan ula socdaa, waana run xantayda iyo kuwa saaxiibaday midna ma moogi warna iguma seegana, haddaan wariye runta kuu sheego; mahaan waxaan ku haynaa magac bes, xoola lama haayo, ninkaas iyo saaxiibadiisna iyagaa xoolaha noo haya, hadde kaabe shaqaalaha inta badan shaqaaluhu waa inay ixtiraaman, oo hadalkiisa qiimeeyaan, sidaasaa waxaa ku imaanaya wada shaqayn wanaagsan.

Wariye Miiggane: Aaway codkarnimadaadii, halyeeynimadaadii iyo wadaniyaddaadii? Ma waqtigii aad mucaaradka ahayd keliya ayay ku ekayd? Miyaanan loo baahnayn in hadda la isticmaalo, oo aad sare codkaaga u qaaddo si toosana u dhahdo ninna dantayada uma daba fadhiisanayno? Mise waxaad ka baqaysaa inaad weydo xilka iyo magaca kugu tolan?.

Warmooge: Mucaarad markaad tahay, waxaad tahay nin iska dhicin ku jira, haddase waxaan taaganahay dhabtii, maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahda (Miro guntiga kuugu jira kuwa geed saaran looma daadsho) hadde meeshan magacaas ayaa lagu wada jooga, mahaan xoolo aan leenahay ma yaallaan, waa nala biilaa, ninka biilka ku siinayaa iyo mushaharkaada inaad warkiisa maqashaa  khalad maaha! Miney Soomaali isu tegayso, oo mushaharkayaga bixinayso waa iska dhacaynaa, shalay markaan mucaaradka ahaay Soomaaliyaa i garab taagnayd, haddase waa iga leexdeen waxaan ku sameeyay ma aqaane?.

Halkaas waxaa noogu dhamaaday waraysigii aanu la yeelanay Warmooge, oo ah madaxa warmoogayaasha waxaana waraysiga ka qaaday wariye Miiggane.

Haatanna waxaan u soo gudubnay Wacaal Mooge, oo goor habeenimo oo  saacaduna  tahay  3:00 soo wacay xafiiska wariye Miiggane, waxuuna ka codsaday in waraysi laga qaado, waana kan waraysigii oo dhan.

WacaalmoogeMiiggane, maxaa dhacay beryahaan, idaacaddaadu waa gaabisay, imana soo wacdid, wax waraysiyana igama qaadin, ma jabhadda aan hubaysnayn warkooda ayaad run u malaynaysaa? Anniga weli waxaan ahay  Wacaalmoogahaad ogayd waxna iskama kay bedelin!

Wariye MiigganeMudane Wacaalmooge, Waan ka xumahay, muddo kulama soo xidhiidhin, waxaan u malaynayay inaad Baska ka dhacday, sidaa maaha, waan mashquulay, oo Adigu beryahaan waad aamusnayd,  marka bal ka warran: ilaa hadda waa lagugu dheganyahay, haddana magacaagii Wacaalmooge waa batay, Adigana ilaa  hadda sawirkaagii waa sii muuqdaa, dadka qaarkii waxay sheegayaan, inay irbadda suuxisadda ahi ku kari wayday maxaa ka jira arinkaas?.

Wacaalmooge: Wariye waad ogtahay meeshan, awood keliya ma jirtee waxaa jiraa awoodo badan, oo  qaarna muuqdaan kuwana qarsoon yihiin, sida kuwa deriska ah, kuwa la sii deriska ah, kuwa dibadda ah, iyo kuwa gudaha ah, marka  meel fog ayaan ku daabanahay,  haddii saciimka Ma Hinge dhinacaaga yahay, dhawaqa dadka kale iyo dhaartooda midna waxba ma soo dhicinayaan.

Wariye Miiggane : Mudane, laakiin, Ma Hinge wadankan madax kama aha,  wadankani waxuu leeyahay hab maamul nidaam sharciya, hay’ado kala duwan, oo mid weliba awood u gaara leedahay,  marka waxaas oo dhami ma inna waxba kama jiraanbaa? Mise waa magac u yaallo?.

Wacaalmooge : kkkkk Hahahah, Wariye, waxaan moodayay in aad wadanka aad ula socoto, laakiin, waxba ma ogid,  oo xagay joogaan hay’daha iyo nidaamka aad sheegayso? Wariye wax hay’ada ama wax nidaam iyo suluuk sharciya midna meeshan kama shaqeeyo, hadduu ka shaqeeyo Adigaa arki lahaa, ee aan kuu sheego, Annaga warqado aqoonsi magacyo leh ayaan haysanaa, nin jagada uu ku magacaaban yahay awooddeeda leh ma jiro, taas waxaa kuu caddaynayaa (Warmooge), hadday is qabtaan Ma Hinge waxaa ku filan, iyada oo mushaharka laga gooyo, shaqo diidna waa lagu qorayaa,  meelna ma aadi karo, markaa wuu ku qasban yahay inuu sameeyo qof waliba waxa loo sheego, xaaladdu waa sidaa, Aniga ayaana ah Wacaalmoogaha sharciga ah, ee la soco, ina soo wac ina warayso hadda ka dib.

Wariye Miiggane: Mudane, inaan ku soo soo waa waajib sharci ah, maadaama aad wali tahay Wacaalmoogaha sharciga ah, ee ka warran isbadallada ka dhacay gobollada koofureed, gaar ahaan Baay iyo Bakool?

Wacaalmooge: gobolladaa waxaa laga sifeeyey kooxihii Argogaarka ahaa, oo markii horaba ka soo jeeday isla deegaanka, maanta waxaa la wareegay isla ciidammo deeganka ah, oo garab siinaya ciidamada dawladda, sidaad ogtahayna, mar walba, magaalooyinkaa waxaa gacanta ku hayey ciidaammo deeganka ah.

Wariye Miiggane: Oo ma waxaad leedahay: Abuur Mansuur iyo raggii la shaqaynayey, waxay ahaayeen dad deegaanka wax u qabanayey?.

WacaalmoogeAriiroow, Annaga maba na taaqanid! Dadkeeennu isma dilaan, markii horana Baydhabo gumaad kama dhicin, dad laguma dilin, hantina lama bililiqaysan, ee ma waxaad na  moodday reer Kismaayo iyo Gedo oo kale, ama reer gobollada dhexe iyo Muqdisho, Ariirow, geesigaaga haddii aadnaan isku feker ahayn, lama dilo lamana ciilo, ee waa la furdaamiyaa lana tarxiilaa, si berri marka ay tookadiisa u noqoto, deegaanka ugu soo laabto, isagoo soo nastay.

Intaan waxaan ku idil waraysigii Wacaalmooge, ee aan u gudubno mudane kale oo ka mid ah Warmoogayaasha.

Waxaa si fool ka fool ah isu arkay  goor habeenimo ah goobta lagu nasto Hotel wayn oo ku yaalla magaalada Gar Oode Mudane Xogmooge iyo  wariye Miiggane, sidii caadada ahayd waxaa markiiba kamarada iyo microfanka la  booday wariye Miiggane, isagoo waraysi xiiso leh ka qaaday, sidan ayuuna u dhacay.

Wariye Miiggane: Mudane, waad la socotaa isbedellada dhacaya iyo xaaladda dalka iyo dadka, maxaad ka odhan lahayd? Sidee baadse xalka umadda u aragtaa?.

Xogmooge: Waad mahadsantahay, horta Anigu hadalka badan ma jecli, laakiin, waan kuu sheegayaa xalka waa iyadoo Aniga lay doorto, dalka oo dhana masuuliyaddiisa lay saaro, hadde haddii lays  yeelyeelaayo, oo waxqabadka indhaha laga qarsanaayo ma sheegin, Anigu tuulo heblaan qabsannay iyo meel hebla ayaa xora warkaygu maahan, ee  wax muuqdaan dadka indhaha u saarayaa, xilkaygana laygama haysto, 52 sano miyaad maqashay nin aan Aniga ahayn oo dhulka hoostiisa wax ka raadiyay kana soo saaray, Shidaalka maanta dadkii oo dhan hawada ka qabsaday, Aniga ayaa soo saaray, afartii sano ee aan halkan joogayna dadka iyo beeshaba si guud iyo si gaara ayaan wax ugu qabtay, heshiisyo badanna waa galay rag badan oo dibadda ah wadamadaan kalena waa is fahannay.

Wariye miiggane: Mudane, xaqiiqdii waxqabad muuqda ayaad sheegtay, sidaa awgeed, haddii laguu doorto  guud ahaan ka Warmoogaha koowaad maxaad qabanaysaa?.

Xogmooge: Waa su’aashaas su’aasha aan ka waayay nimanka meelahan makaroofanada la carara, waxaan qabanayaa waxaan hadda qabtay iyo wax ka sii fiican, maxaa yeelay waxaan ahay nin aqoonteeda leh aragtideeda leh.

Wariye miiggane: Mudane, Xogmooge haddii laguu doorto Warmooge, ma laga yaabaa inaad Xogmoogenimada aad hada hayso inaad ka tanaasusho, oo aad hal meel isugu lugo duwato?.

Xogmooge: Maya, maya, meeshan sidan kuma dhaafi karo, cid haatan i dhaanta oo aan Xogmoogaha kaga tagaana ma jirto, Warmooge iyo Xogmooge iyo Wacaalmoogeiyo xitaa Waxbamooge Anigaa ayaa isku qabanayaa, waana ballan inaan wax weyn keeni doono, teeda kale,  saaxiibkay ayaa hore ugu qasaaray arrinka ah, inuuXogmoogenimadiisa dhiibay, oo uu Warmooge ku qancay, markii danbena meel uu ku nasto ayuu waayay, Aniga taasi igu dhici mayso, waxaan noqonayaa Warmoogahaguud, Ahna Wacaalmooge, ahna Waxmooge ahna Xogmoogaha hoose, waan leeyahay kartideeda iyo awooddeeda, dadkana waxaan u sheegayaa hadday doonayaan inaan 24 saac koronto ah, oo nalka ka yimaada Kismaayo aanu halmar kaa damayn ilaa Jabuuti  inay telefishino fiirsadaan Caanaha iyo Cuntada ay Tallaajadaha ku shubtaan, sida wadamada horumaray, waa inay i siiyaan taageero buuxda, Aniguna wax qabad buuxa ayaan la imanahayaa, magaratay.

Halkaas waxaa ku dhamaaday waraysigii warmoogayaasha, hadaba, aqristoow codkaaga dhiibo yaad u codayn lahayd  sadexdan nin ee meesha waraysigoodu ka dhacay .

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

[email protected]

COMMENTS