July 20, 2014 | Posted by admin

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo Weerar ay Kooxda Al-shabaab Habeenimadii xalay ku qaaday Magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya inay ku dhinteen in kabadan 7-Ruux oo isugi jiray Ciidamada Dowlada,Alshabaab iyo dad shacab ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Dagaalka uu socday ku dhawaan Hal Saac iyo bar waxa ayna Kooxda weerarkaasi cuslaa ku qaaday Fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaalada Baydhabo.

Dagaalka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo laga Magacaabo C/qadar Maxamed, waxa uuna sheegay in Dagaalka uu ahaa mid gaadmo ah, waxa uuna Tilmaamay inay ku dileen Dagaalyahaanadii weerarka soo qaaday.

Sargaalka ayaa waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in inta uu socday Dagaalka ay labada dhinac soo kala gaartay Khasaaro badan, wuxuuna Daboolka ka qaaday inay soo gaareen Khasaaro dhankooda ah, sidoo kalane ay khasaaro gaarsiiyeen.

Dhanka kale, Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Mararka qaar ku dagaalama qeybo ka mid ah Gobolka Baay, waxa uuna Dagaalkaasi qeyb ka yahay dagaaladii dhacay.

COMMENTS