November 27, 2012 | Posted by admin


Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka Jabuuti kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geele.

Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan oo isaga oo ku sugan dalka Jabuuti Idaacada Risaala qadka tilifoonka ugu waramay ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka arimaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen Madaxweynaha Jabuuti ay tahay xiriirka labada Dowladooda iyo sare u qaadista taageerida Dowladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arimaha Gaashaandhiga maadaama dalka Jabuuti ay Soomaaliya ka joogaan ciidamo ku howlgala magaca AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta kulan qado sharaf ah wuxuu la qaadan doonaa Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo ku casuumay qasriga madaxtooyada dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa laguwadaa in maanta uu booqdo dekeda Magaalada Jabuuti ee dalkaasi halkaasi oo ukuurgelayo hanaanka shaqada Dekeda dalkaasi.

Daljirka daahsoon ee dalka Jabuuti ayuu sidoo kale dhigi doonaa dhagax taariiqi ah sida uu inoo sheegay Kamaal Daahir Xasan Agaasimaha madaxtooyada Villa Soomaaliya oo wafdiga Madaxweynaha qeybta ka ah.

Maalinta beri ah ayaa laguwadaa in Madaxweynaha dalka Soomaaliya uu gaaro dalka Ethiopia halkaasi oo uu kulamo kula qaadan doono Madaxda dalkaasi islamarkaana ay ka wada hadli doonaan arimaha dalka Soomaaliya.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu sheegay mid qaadan doono muddo isbuuc ah sida masuuliyiinta ka agdhaw ay inoo xaqiijiyeen.

COMMENTS