July 5, 2014 | Posted by admin


Ugu yaraan shan qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidan ilaalo ka ahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar is-miidaamin ahaa oo lagu qaaday xarunta baarlaamanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhaawacmeen 11-qof oo kale.

Weerarkan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay mid ka mid ah albaabbada baarlamaanka xilli ay baarlamaanka sii galayeen xildhibaannada oo halkaas ku yeelan lahaa kulamadoodii caadigaa.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya, G/dhexe Qaasim Axmed Rooble oo ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxan ayaa sheegay inay ku dhinteen laba ilmood oo ku noolaa kaamam ku yaalla agagaarka xarunta baarlamaanka, laba askari oo ilaalada baarlamaanka ka tirsan iyo ruuxii weerarka fuliyay.
“Gaariga ismiidaminta lagu fuliyay waxaa arkay ciidamada ammaanka oo heegan ku jiray, waxayna ku billaabeen rasaas intii uusan bartilmaameedkiisa gaarin, wuxuuna qarxay xilli uu ruuxii waday dhimasho ku dhow yahay,” ayuu yiri afhayeenka guud ee booliiska.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka dhaawacmeen afar askari, isagoo xusay in toddobadii kale ee dhaawacmayna ay ahaayeen shacab ku noolaa xeryo barakacayaal ah oo ku yaalla agagaarka baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay weerarro ay doonayaan inay Al-shabaab ka fuliyaan Muqdisho, laakiinse iyagu ay mar walba diyaar u ah inay ka hortagaan.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa la baaqday kulankii uu baarlamaanku lahaa, iyadoo ay xildhibaannadii isaga kala taageen goobta, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii labaad oo lagu qaado baarlamaanka tan iyo bishii May ee sannadkan.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan ayna ku dileen askar badan oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Tan iyo markii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay barnaamijka amniga lagu sugayo ee Nabad ku Afur ayaa waxaa lagu dilay Muqdisho in ka badan 15-qof oo u badan askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

COMMENTS