April 24, 2014 | Posted by admin

Ugu yaraan afar qof oo labo ka mid ah ay yihiin saraakiil boolis ayaa ku dhintay qarax loo adeegsaday buur laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa oo ka dhacay afaafka horre ee saldhigga booliska Pangani ee magaalada Nairobi.

Madaxa booliska, David Kimaiyo oo ayaa saxaafadda la hadlay markii uu booqday goobta wuxuuna sheegay in qaraxa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa ayaa xaqiijiyay dadka dhintay.

Sarkaal kale ayaa isna sheegay in qaraxa ay ku dhinteen labo askari.

Qaraxa ayaa dhacay abaaro 8:30 pm ee xilliga magaalada Nairobi.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa xaley ka dhacay Nairobi, oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ka socdeen howgallo dad badan lagu qabqabtay.

COMMENTS