July 21, 2014 | Posted by admin

Dagaal u dhexeeyay Kooxaha Raaskambooni iyo Alshabaab, ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Jubada hoose.

Dagaalka ayaa imaaday xilli ay Ciidamada Raaskambooni ku howlanaayen Howlgalo lagu xaqiijinaayay Ammaanka, waxa ayna Ciidamadaasi weerar kala kulmeen Dagaalyahaano ka tirsanaa Alshabaab oo goobahaasi ku sugnaa.

Dagaalka oo socday ku dhawaad Saacad, ayaa waxaa leysu adeegsaday hubka calculus, waxa ayna warar hoose sheegayaan in weerarkaasi ay waxyeelo kasoo gaartay inkabadan Lix ruux oo la sheegay inay isugu jiraan dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyay.

Xaalada Magaalada Kismaayo, ayaa Saakay degan, waxaana la tilmaamayaa in Ciidamada Raaskambooni ay iminka halkaasi kawadaan Howlgalo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Laba maalin ka hor ayay aheyd markii Kooxda Alshabaab iyo Raaskambooni ku dagaalameen duleedka Magaalada Kismaayo, iyadoona Dagaalkaasi uu ka dhashay Khasaaro kor u dhaafayo Labaatan ruux.

COMMENTS