August 21, 2016 | Posted by daacad yare

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Tiro Madaafiic ah oo lagu soo tuuray xarunta Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo ku taala agagaarka xarunta Degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Inta la ogyahay 3 Qof ayaa ku dhaawacantay Madaafiicda lagu soo tuuray xarunta, halka sidoo kalena ay ku gubteen 2 Gaari oo xarunta Wasaarada Geerish ku yaala dhexyaalay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Madaafiicda ay ahaayeen dhowr xabo oo ilaa iyo hada aan la garaneyn halka laga soo tuuray.

Waxay sidoo kale sheegeen in Madaafiicda qaar ay ku soo dhaceen xaafadaha degmada Shangaani oo u dhow Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

COMMENTS