February 7, 2018 | Posted by admin

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar habeenkii xalay ahaa ay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen saldhigga Booliiksa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Weerarkaan ayaa isugu jiray Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo sidoo kale dagaal toos ah, kaasi oo saldhigga ka socday daqiiqado badan.

Dad ku dhowaa saldhigga La Weeraray ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo xooggan kadibna rasaas culus oo daqiiqado badan socotay.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintey Hal qof, waxaana ku dhaawacmay 5 kale oo la sheegay inuu ku jiro taliye ku xigeenkii saldhiggaasi.

Weli weerarkaan kama aanay hadal saraakiisha Booliiska Boosaaso iyo sidoo kale maamulka magaaladaasi.

Laakiin War Ka soo baxay Alshabaab ayaa Lagu sheegtay Masuuliyada Weerarkaas

COMMENTS