December 4, 2017 | Posted by admin
Wararka naga soo gaaraya Agagaarka xarunta Ciidamada Xooga dalka ee Loo yaqaano Villa Baydhabo ayaa sheegaya in Halkaasi  goor dhaw uu qarax ka dhacay.

Qaraxan ayaa wuxuu ahaa mid lagu soo xiray gaari uu leeyahay Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasi oo gaarigiisa ku dhex qarxay xarunta Villa Baydhabo, sida wararka lagu helay.

La sheegin Ruuxa gaariga Loogu soo xiray Qaraxa waxa uu ahaa iyo Magaciisa, Laakiin wararka ay Heshay warbaahinta ayaa Tilmaamaya in Gaariga Lagu xiray oo kaliya qaraxa.

Qaraxaan ayaa Yimid xili Magaalada Muqdisho uu ka socdo Shirka Golaha Amniga qaran oo dhawaan ka Furmay Xarunta Ciidamada AMISOM, ee Xalane.

Maxamed daacad Muqdisho.

Mxuseen973@gmail.com

COMMENTS