August 19, 2016 | Posted by daacad yare

Ugu yaraan labo Ruux ayaa dhaawacantay kadib markii Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa uu ku qarxay nawaaxiga Isgooyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa yimid ka dib markii Gaari lagu soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa uu Askari ka tirsan Dowladda uu isku dayay in uu istaajiyo si loo marsiiyo baaritaan balse baaritaanka ka hor uu qarxay Gaariga, sida uu sheegeen ciidamada dowlada iyo dad goob joogayaal ah.

Gaarigan qarxay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen labo Ruux oo loo maleenayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaaab, iydoona weli aan la shaacin halka Gaarigaasi lagu weerari rabay.

Qaraxan ayaa sidoo kale waxuu sameeyay ama dab qabadsiiyay Kaalin Shidaal oo ku taalla halka uu ku qarxay Gaarigaasi, inkastoo goor dambe lagu guuleystay daminta dabkaasi.

 

COMMENTS