August 14, 2017 | Posted by admin

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari oo  ka dhacay wadada aadda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan ayaa la sheegay in lagu xirey gaari nooca yar yarka ah oo Taksi ahaan u shaqeynayey sida ay inoo sheegeen Dad halkaa ka ag dhaw,

Goobta uu ka dhacay Qaraxa waxaa ku dhintey darawalkii gaariga kaxeynayey, waxaana dhaawacmay ruux saarnaa sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaasi ka dhow.

Gaarigan ayaa ku dhowaa dhanka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka gudbay Koontarool ku yaalla dhanka Isgoyska KM-4, oo gaadiidka Lagu Baaro.

Ciidamada ammaanka ayaa hadda wada baaritaanka ku aadan gaarigan qaraxa ka dhex dhacay iyo Halka uu ku sii jeeday.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS