January 9, 2018 | Posted by admin

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo Qarax Miino lagula eegtay nawaaxiga ceelka Caafi ee wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxa oo laga maqlay qaarka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa dadka degaanka waxa ay sheegeen Miinadan in lagu aasay wadada dhinaceeda, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac ah.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Ammaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu qabsaday Gaariga qeybtiisa dambe, ayna ku dhaawacmeen laba Askari oo ka tirsan saldhiga Booliska degmada Deyniile.

Askartaan Dhaawacmay ayaa Loo qaaday Mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho, Waxaana goobtaan uu Qaraxu ka dhacay Dhowr jeer ka dhacay Qaraxyo.

COMMENTS