March 24, 2017 | Posted by admin

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Saybiyaano ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Goor dhow Halkaasi laga maqlay Qarax Xoogan.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhex dhacay Guri ku yaalla Xaafadda Saybiyaano ka dibna ay dadka deegaanka ay ku baxeen marka ay maqleen Jugta ka dib.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal halkaasi ka ah dhawaa.

Hasa yeeshee waxaa dadku ay sheegayaan in la kala fahmi la’yahay in Qaraxa Goobta lagu diyaarinayay iyo in halkaasi lagu weeraray.

Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxaasi ka dhacay Muqdisho.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS