October 14, 2017 | Posted by admin

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax aad u xooggan oo abaarihii salaadii casirka gilgilay magaalada Muqdisho, kaasoo loo adeegsaday gaari xamuul oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ku qarxay Isgoyska Zoobe ee KM5.

Qaraxan oo ahaa kii u horeeyay noociisa ayaa geystay khasaare aad u ballaaran oo isugu jira bur bur, dhimasho iyo hdaawac fara badan.

Illaa 20 ruux ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyay inay qaraxa ku dhinteen, halka 50 kale ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka.

Qaraxa ayaa dhacay xilli wadada Isgoyska Zoobe ay aheyd mid mashquul ah, halkaas ay ku yaallaan goobo ganacsi.

Baabuur fara badan oo isugu jira kuwa yar, gaadiidka dadweynaha, iyo mooto bajaajta ayaa ku bur buray qaraxa weyn ee ka dhacay isgoyska, iyagoo gebi ahaanba gubtay.

Sidoo kale waxaa bur buray dhismayaal fara badan, waxaana qaraxa uu saameeyay goobo aad uga fog halka qaraxa ka dhacay

COMMENTS