January 21, 2017 | Posted by admin

jowhar-dagaal

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka sh/dhaxe waxaa Lagu dilay mid ka mid ah Dadka degan Magaalada Jowhar ee Gobalka shabeelaha dhaxe.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafada Kulmis oo ka tirsan Magaalda Jowhar sida ay sheegeen Xubna ka tirsan Maamulka Degmada Jowhar.

Gudoomiyaha Xaafada Kulmis Yaxya Xasan Shiikh ayaa sheegay in Ruuxa la dilay uu ka yimid Xaafada Mareeray oo Hoos tagta Magaalada Jowhar ka dibna lagu dilay Xaafada Kulmis ee jowhar.

Lama Oga sababta loo dilay Ruuxaan hasa yeeshee Gudoomiyaha Xaafada Kulmis ayaa sheegay in la qabtay Dadkaasi dilka Halkaa ka gaystay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dilkaasi uu la xariiro aanooyin qabiil iyo is qab qabsi ku saabsan dhul iyo wax la mid ah.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS