May 28, 2012 | Posted by admin

-DUHUR-Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxday qarax xoog leh oo ka dhacay bartamaha magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya kaasi oo sababay qasaaro dhaawac u badan.

Taliyaha booliska magaalada Nairobi Mathew Iteere ayaa u sheegay wariyaasha in qaraxa ay uu sababay dab ka dhashay cilad xaga korontada ah, isaga oo beeniyey inuu ahaa weerar bam oo ay qaadeen Al Qacida ama Al Shabaab.

Daqiiqado kadib marki qaraxu dhacay waxaa wara lasoo dhigay boga ay Al Shabaab ku leedahay Twiter-ka lagu sheegay in qarax weyn uu ka dhacay magaalada Nairobi balse meysan cadeyn mas,uuliyada qaraxaasi.

Sida ay ku waramayaan goobjoogayaasha qaraxa ayaa ahaa mid xoog badan isaga oo kor u qaaday saqafka dhismaha uu ka dhacay oo aheyd xarun ganacsi sidoo kalana bur buriyey daaqadaha oo ka sameysnaa miyaarado.

Inkastoo aanan wali la hubin tirada ay waxyeeladu kasoo gaartay, hadana wariye ka tirsan wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in uu arkay dad dhaawac ah oo loo qaadayo isbitaalka.

Kenya ayaa bilooyinki dhawaa marti u aheyd qaraxyo saf ah oo meelo kala duwan oo dalkeeda ah lagu qaaday kuwaasi oo ay sheegteen Al Shabaab, waxaana qaraxyadaan ay kusoo bateen marki ay ciidamo milatari ah u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al Shabaab.

COMMENTS