December 13, 2014 | Posted by admin

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal saakay ka dhacay degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo xaalada ay tahay mid degan, kadib markii garabkii Ahlusuna ee la dagaalamay ciidanka dowladda laga saaray magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan oo salka ku haya arrimaha Maamul u sameynta deegaanada, ayaa shalay ka dhacay degmada Guriceel, waxaana uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo garab ka mid ah Ahlusuna.

Inta la og yahay hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, tiro kalena oo ay ciidamo labada dhinac ah waa ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo aan la heyn tiradooda.

Gudoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb Macalin C/raxmaan Geeda-Qorow ayaa sheegay in xaalada degmada ay tahay mid degan, isla markaana ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda, isagoo beeniyay in aanay jirin dagaal dhex maray ciidanka dowladda iyo Ahlusuna.

“Niman wareersan oo dhalinyaro ayaa shalay dagaal ka bilaabay Guriceel, Ahlusuna iyo dowladda cid dirirtay ma lahan, waana la kala ceyriyay, Ciidanka dowladda waa ciidanka ahlsuna, dowlad iyo ahsluna qeybsan ma jirto”ayuu yiri Macalin C/raxmaan Geeda-Qorow.

Waxaa uu sheegay in isaga uu ahaa mas’uulkii Ahlusuna xilka ka hayay degmada Dhuusa Mareeb, isla markaana ciidanka la weeraray uu ahaa ciidankiisa, sida uu yiri.

“Nimanka dhibka wada waa kuwo deegaanka horumarka u diidan, meel ay u socdaan aan la garaneyn”ayuu hadalkiisa ku sii daray Gudoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb Macalin C/raxmaan Geeda-Qorow.

Dhinaca kale Garabkii Ahlusuna ka tirsanaa ee laga saaray degmada Dhuusa Mareeb ayaa la sheegay inay isku uruursanayaan duleedka magaalada, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal dhaco.

Odayaasha deegaanka ayaa wada dadaalo ay doonayaan inay ku xaliyaan xiisada ka taagan degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel, waxaana soo baxaya baaqyo loo jeedinayo dhinacyada dagaalamaya ee ah inay dagaalka joojiyaan.

COMMENTS