October 7, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imanaya magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay rasaas ku fureen diyaarad ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Xudur ayna waxyeelo ka soo gaartay diyaarada.

Dad jooga magaalada Xudur ayaa saxaafada u sheegay in diyaaradda ay garoonka kusoo degtay, kadibna iyadoo aan rarkii dhigin ay damacday inay duusho.

Sarkaal Itoobiyaan ah oo garoonka ku sugnaa ayaa la sheegay in diyaaradda uu ku amray in aysan kicin, balse aanay dhagaysan oo ay dhabaha garoonka ku oroday.

Askarta garoonka ayaa ka dib rasaas ku furay, oo cagaha ka toogtay, waxaana ay diyaaradu ku dhacday xaafad ku dhaw garoonka. Lama sheegin cid ay khasaaro kasoo gaartay dhacdadaasi.

Wararka ayaa intaa ku darayaan in duuliyaha diyaaradda iyo rarka saarnaaba ay hadda gacanta ku hayaan ciidanka Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Xudur.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in diyaaradda ay markii horaba u socotay magaalada Ceel Barde, oo aysan qaadka u wadin magaalada Xudur.

Maamulka gobolka Bakool ayaa dhowaan  sheegay in la mamnuucay ka ganacsiga iyo cunista qaadka ka dib markii ay sheegeen inuu dhibaato weyn ku keenay hawlgallada ciidamada dawladda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

COMMENTS