April 29, 2012 | Posted by admin


DUHUR-Faah faahin ayaa kasoo baxaysa dagaallo xalay ka dhacay qaybo kamid ah furimaha dagaalka Muqdisho iyadoo saraakiisha Ciidamada Dawladda ay guulo ka sheegteen.

Taliyaha gaaska labaad ee Ciidamada Dawladda Col. Cubdulaahi Cismaan Cegay ayaa u sheegay warbahainta dagaaladii xalay ay ahaayeen weerarro saf ballaaran ah oo ay soo qaadeen Al shabaab.

Waxa uu intaasi ku daray in aagag badan oo kuwa dagaalka ah ay kasoo dagaal geliyeen dhalinyaro yar yar oo aan tiro badnayd kuwaasi oo ay si adag isaga difaaceen Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM.

“Adeer waxaasi dagaal lama yiraahdo maal mahan ayey Idaacadaha iska waayeen marka dhowr aag ayey carruur yar yar kasoo dagaal geliyeen, waxaana iska difaacnay, ma jiro wax khasaare ah soo gaaray Ciidamada Dawladda”, ayuu yiri Col. Cubdulaahi Cismaan Cegay.

Dagaaladii xalay oo la isku adeegsaday madaafiic aad u xooggan ayaa goobaha ay ka dhaceen waxaa kamid ahaa duleedka degmada Dharkaylay oo aagag kala duwan ah, degmada Dayniile, qabuuraha Barakaat iyo duleedka degmada Kaaraan.

Ilaa iyo hadda masoo bixin wax khasaare ah oo madaafiicda la isku ridaayey kasoo gaaray dadka rayidka ah iyadoo aan warb laga hayn khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Al shabaab ayaa mararka qaar xilliyada habeenkii ah waxay weerarro ballaaran kusoo qaadaan fariisimada Ciidamada Dawladda iyo AMISOM ee magaalada Muqdish

COMMENTS