February 25, 2017 | Posted by admin

Wararka Ka imaanaya Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa Waxaa ay sheegayaan in Halkaasi uu Maanta ka socdo Dagaal aad u culus oo u dhaxeeya Laba Maleeshiyo Beeleed.
Qaar ka mid ah dadka kunool Marko ayaa sheegay in uu dagaalku xoogan yahay.
Xaafado dhowr ah ayaa la sheegayaa in uu dagaalka sameyn ku yeeshay,kuwaa oo ay ka mid yihiin Buulo Jaan,Buufoow iyo Ayuub oo Magaalada Marka ka wada tirsan.
Dhaq dhaqaaqa Ganacsiga ayaa la sheegayaa in uu hakad ku jiro iyada oo Dadku ay ku jiraan Guryaha,islamarkaana aysan u suuragalin in ay ka barakacaan Xaafadaha lagu dagaallamayo.
Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar ayaa sheegay in dagaalku uu bilowday 2 maalin ka hor , islamarkaana maanta ay tahay Maalintii Saddexaad.
Waxgaradka gobolka Shabeelaha Hoose ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan sidii dagaalka loo joojin lahaa.
Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS