January 23, 2017 | Posted by admin

mandhera

Koox Hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa Xalay Weerar ku qaaday Saldhigga Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ay halkaasi ku leeyihiin.

Dagaal Mudo Kooban soconayay oo la isku Adeegsaday Hubka Culus iyo kan Fudud ayaa dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Kooxda Weerarka qaaday.

Goobjoogeyaal la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dagaalku uu Sababay dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamay,waxaana sidoo kale Goobjoogeyaasha laga soo xigtay in ay Arkeen Meydadka Labo Askari oo Kenyan ah.

Ciidamada Kenya ayaa Saaka Baaritaano Xooggan ka wada Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya.

Shabaab waxaa ay dhowr jeer Weerareen Magaalada Mandheera oo ku taalla Xaduuda Wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS