September 16, 2017 | Posted by admin

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Haanta dheer ee degmada Dayniile ayaa waxa ay sheegayaan in saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamado Kawada Tirsan Kuwada Dowlada Gaar ahaan Ciidanka Xasilinta Caasimadda iyo  Kooxo ku labisan dharka Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa socday Muddo ku dhow saacad , waxaana qaar ka mid ah dadka kunool degmooyinka Dayniile iyo Hodan ay kusoo baraarugeen dhawaqa Rasaasta.

Dagaalka ayaa geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhowr jeer waxaa Magaalada Muqdisho ku dagaalamay Ciidamo Ka wada Tirsan Ciidamada Xasilinta iyo Kuwa Milateriga Soomaaliya.
Maxamed Daacad Muqdidho.
COMMENTS