October 7, 2016 | Posted by admin

Dagaal maanta Dib uga Qarxay Gaalkacyo Ayaa Wali Socda kaasi oo ka Socda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo Halkaasi oo Dagaalka Xoogiisa uu ka Socdo’

Dagaalka Ayaa Hada Leesku Adeegsanayaa Hubka Culus Waxana Dadka Magaalada Gaalkacyo soo wajahday Xaalada Xoogan oo Cabsi ah Halka Dadka Qaar ay Bilaabeen in Magaalada ka Baxaan oo ay maciin bidaan gooba ka baxsan Halka Sirirto ka socoto,

Qof kamid ah Dadka Deegaanka Ayaa Duhurmedia u sheegtay in Hubka ugu Xoogan leesku Adeegsanayo Waxaa Hakad ku Yimid.

Rasaasta Dagaalka Ayaa Magaalada Mararka Qaar ka Yara Durkeysa Halka Mararka Qaar ay Magaalada u soo Dhawaaneyso Taasi oo Muujineysa in Dagaalka uu Yahay Mid Xoogan,

Isgaarsiinta Magaalada Gaalkacyo iyo Korontada iyo Biyaha Magaalada Ayaa Wali Shaqeenaya iyadoo Dagaalka uusan Saameyn ku Yeelan,

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS