December 6, 2017 | Posted by admin

Sida ay  xaqiijiyeen Maamulka gobolka Mudug ee Puntland, Taliyihii Saldhigga Suuqa degmada Gaalkacyo Ee Gobalka Mudug Cali Ibraahim Cali  (Cali Magafe)ayaa u geeriyooday dhaawac saaka ka soo gaaray Qarax loogu xiray Gaari uu watay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qaraxan ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee wadada marta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland.

Cali Magafe, wuxuuna ka tirsanaa ciidamada Booliska Puntland, xilliga la qarxinaayay gaarigiisa ayaa wuxuu u sii socday goobtiisa shaqada.

Ciidamada amaanka ayaa Goobtaas gaaray waxaana la xiray Goobta uu qaraxu ka dhacay.

COMMENTS