February 22, 2012 | Posted by admin

DUHUR-War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasaarada arrimaha dibadda Eritrea, ayaa lagu eedeeyay faragalinta wadamada shisheeye ay ku hayaan Soomaaliya, iyadoona shir caalami ah oo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya uu ka dhacaayo toddobaadkan magaalada Londan ee dalka Britan kaa oo looga hadlaayo arrinta Soomaaliya.

Xukuumada Asmara ayaa shirkaas ku tilmaamtay mid lagu doonaayo in wadamo kale ay faragalin ku sameeyaan dalka Soomaaliya.

Waxa ay tiri “ Wadamada shisheey, xittaa kuwa inta badan saaxibaha la ah iyo kuwa kuwa kale ee gobalka waxa ay rabaan in Soomaaliya ku soo celiyaan sida dal la heesto oo kale.”

“Dadka Soomaalida waa in loo ogolaado waqti iyo furasad ay kaga baxaan siyaasad la’aanta ka jirta. Loona madaxbanaaneeyo si ay heshiis uga gaaran in ay dhistaan adeegyada muhiimka sida nabadda, xasiloonida iyo Horrumarka.” Ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda Eretria.

Dhowr shirar oo nabada lagu raadinaayay ayaa loo qabtay Soomaaliya laakin dhamaan waaa y guul dareesteen, wixii ka dambeeyay markii ay hoobatay dowladdii dhexe ee Soomaaliya saandkii 1991-dii ee uu madaxweyna ka ahaan Maxamed Siyaad Barre dalkana uu dagaal sokeeya ka holcay.

Soomaaliya waxa hadda ka jirta dowlad iska itaaldaran oo ku tiirsan xooggeda reer galbeedka iyo QM, waxana la soo dhisay sideedsano ka hor, taas oo awood yeelan in dalka maamulkeeda ku baahiso taas oo dhaceysa bisha August sanadkan.

“Sida Soomaaliya ay horrumar ku gaari kartro waa ay iska caddahay, Soomaaliya iyadda ayaa xal ka gaari karta dhibaateeda, waa in marka loo madaxbanaaneeyo,” sidaas waxa lagu sheegay warka ka soo baxay xukuumada Asmara.

Eritrea,waxa ay dhowr jeer beenisay oo ay gaashanka u daruurtay in ay ay taageero siiso ururka ku biiray Al-Qaeda ee Al- Shebab kuwaas oo dowlada dagaalo kula jira.

Kenya iyo Ethiopia ayaa dhawaan ciidan u soo diray Soomaaliya kuwaas oo dagaalo kula jira Al-Shabaab, sidoo kale xoggaga kacdoonka waxa dagaalo ay kaga furan yihiin wadamada Burundi, Djibouti iyo Uganda kuwaas oo ciidamo u soo diray howlgalka nabad ilaa linta midowga Africa ee ku sugan Moqdisho.

“Faragalinta military ee Soomaaliya ku hayaan dalalka dariska ah, si kasta oo ay tahay dhiirigalin u tahay wax dan ah kuma jira oo aan ka ahayn xaalada in ay ka sii darsto” ayey tiri Xukuumada Asmara.

COMMENTS