February 18, 2015 | Posted by admin

Istanbul-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, ayaa Markii u horaysay ka sheekeeyay xiriirkiisa Siyaasaddeed ee Hogaamiyeyaasha dunida, kaasi oo uu ku tilmaamay mid uu dareemayo Ga’doomin siyaasaddeed.Warbaahinta Turkiga ayaa qaadaadhigtay Xog arrintan ku saabsan oo uu Koox wariyeyaal ah siiyay Maalmihii la soo dhaafay xilli uu safar kaga soo noqday Waddamo ku yaala Latin America.
Erdogan oo si toos ah warbaahinta ula hadlaya ayaa sheegay in ka hadalkiisa Arrimaha Gobolka iyo Guud ahaan dunidu ku keentay in Cambaarayn lala bartilmaameedsado ” Dan kama lihi inaan ku kaliyaystay Indhaha Dunida, waxa i Xiiso galinayaa waxa weeye sida dadkaygu ii Arkaan.

Waxuu yiri; Markii Doorashadii Madaxtinimo lagu guda jiray dadku waxay soo raaceen xaggayga,markaas ma jiro Ga’doon, marka la eego wadamada kalena dadku waa sidaas oo kale

Erdogan waxa uu sheegay in Faquuqa lagula kacay yahay oo kaliya heerka hogaamiyeyaasha balse Bulshada Caalamku u aragto Nin Saxan ” Waxaa laga yaabaa in Faquuqistaydu ama in Gooni la iga dhigo ku kooban tahay Heerka Hogaamiyeyaasha, laakiin waxba maaha, kaliya waa Xaasidnimo”
Mudane Erdogan, waxa uu sheegay in xiriirka isaga iyo madaxweynaha maraykanku fiicnaa markii hore balse hadda wax walba isbedeleen ” Waxaan la lahaa Xiriir aad u wanaagsan Madaxweyne Obama markii uu Kursiga yimid.Xataa Qoys ahaan ayuu Aqalka Cad noogu marti qaaday.
Waxaanu yeelanay Kulamo fool-ka-fool ah. Kaddib waxaas oo wada hadallo ah,waxaanu aragnay in arrimuhu si tartiib ah isku bedelayeen oo ay weji kale oo aanan fahmin ay yeesheen.” Ayuu yiri Erdogan.
Haddaba Meelaha laga raacay Madaxweynaha Turkiga ee Reer Galbeedku ka qanniinay ayaa lala xiriirinayaa sidii uu uga hadlay Saddexdii Dhalinyarada Muslimka ah ee dhawaan Maraykanka lagu dilay. Waxa uu sidoo kale Reer galbeedka ku dhaliilay Taageerista Madaxweynaha Masar Cabdifatax Al-siisii oo uu isagu ka soo horjeedo, waxaanu ka soo horjeestay Afgabigii Mursi.
“Marka aad ka hadasho Arrimahan waxaad noqonaysaa mid gooni laga dhigay ama la go’doomiyay laakiin, maaha dadka Shacabka ah” ayuu Madaxweyne Erdogan yiri

COMMENTS