February 3, 2015 | Posted by admin

150201203948_kasasbeh_553x360_epa
Video ay internetka soo geliyeen kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa muujinaya duuliyahii u dhashay Jordon oo la gubay.
Video-ga ayaa muujinaya Mucaad Kasasbeh oo lagu xiray qafis bir ah oo lagu gubayo.
Telefishinka dowladda Jordon ayaa xaqiijiyay in duuliyaha ay haysteen IS ay dileen
Muuqaalka ayaa baahiyay bar Twitterka oo la yaqaan, oo laysku haleyn karo oo baahisa daacayadaha dowladda Islaamka.
Mucaad Kasasbeh ayaa la soo riday diyaaradii uu waday December sanadkii tagay markii uu socday howlgalka uu hogaaminayo Mareykanka ee looga horjeedo Dowladda Islaamka ee Syira.

COMMENTS