April 19, 2017 | Posted by admin

Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mundane taabit Cabdi maxamed Ayaa manta xafiiskiisa Ku qaabilay Ku xigenka wakiilka qaramada midobay u fadhiya soomaaliya.

Duqa Muqdisho  iyo Ku xigeenka  wakiilka Qaramada Midoobay ee soomaaliya ayaa ka wada hadlay Sida Loo mareyn lahaa abaaraha ka jira Dalka soomaliya,

Gudoomiye Taabit ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay in Gobalka Banaadir lagu garab istaago Caawinta Dadka ay saameeyeen Abaaraha dalka ka jira iyo Shacabka ka soo barakacay ee soo gaaray Muqdisho.

”Waxa uu ka dalbaday Qaramada midoobay in looga baahan yahay garab istaaga shacabka soomaaliyeed oo xiligaan la il daran Macluusha iyo Gaajada ka jirta Dalka soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa dhawaan xilka kala wareegay Gudoomiyihii Hore ee Gobalka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.
gobalka 3

COMMENTS