March 9, 2014 | Posted by admin

laa seddex nin oo ku hubeysnaa qoriga AK47, ayaa waxay fiidnimadii caawa ay Magaalada Kismaayo ku dileen Allaha u naxariistee Dr. Xasan Diiriye, oo ka mid ahaa dadka sida weyn leh looga garanaayo Kismaayo.

Ragga dilka geystay, ayaa rasaas la dhacay marxuumka, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa, kana yimid Xarun caafimaad oo uu ku heystay Bartamaha Magaalada Kismaayo.

Seddexda nin ee dilka geystay, ayaan si rasmi ah loo garanayn cidda ay ka tirsan yihiin ilaa iyo hadda, iyadoo ay u suurta gashay in dilka kadib ay isaga baxsadaan xaafadda Siinaay.

Ciidanka ammaanka ee Maamulka Jubba, ayaa gaaray goobta lagu dilay Dr. Xasan Diiriye, walow aynaan gacanta ku soo dhigin seddexda nin ee falkaasi guracan geystay.

Majirto wax war ah oo uu Maamulka Jubba ka soo gaaray tallaabada lagu dilay dhakhtarka caanka ka ahaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

COMMENTS