February 28, 2012 | Posted by admin

Dr. Xaawa Cabdi ayaa sheegtay Dhismihii ay kulahayd Deegaan udhow Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ay Ururka Alshaab ay kuwarejiyeen Qof Shaqsi ah.

Dhismahaan ayaa waxaa kuyaalay Cisbitaal iyo Sidoo kale Deegaano ay kunoolayeen Dad kasoobarakacay Magalada Muqdisho kuwaas oo lagu Xanaaneynayay.

Waraysi ay Siisay Wargayska The Star ayaa Waxaa ay Dr Xaawa Cabdi waxa kusheegtay in dhulkeedii Al-Shabaab ay qasab ugu qadaan .

Waxa sidoo kale ay sheegtay in Maxkamad kutaal degmad Marka ay dhulkeedii si qasab ah ay ugu qaaday Uguna Wareejisay Nin Ganacsdade ah oo katirsan Ururka Alshabaab.

Dr Xaawa Cabdi ayaa hadalkaada intaas kudartay in ay cadaalad daro ay ahayd oo Islaamkana kafog in Sabab la,aan dhulkeedi looga qaado.

Sanadkii 2010 kii ayaa ciidamo katirsan Ururkii Xisbul islaam ee uu hogaamiyay Shiiq Xasan Daahir Aways oo lamidoobay Ururka Alshabaab waxaa ay Si xoog ah ay ulawaregeen Dhulkii Dr Xaawa Cabdi loona yaqaan Haatan Deeganka Xaawa Cabdi.

Iyadoo kusugan Magalada Nayroobi ayaa waxaa ay sheegtay inaysan ogayn Sababta keentay in dhulkeedii oo sanadkii 1983 dii ay dhisatay Si qasab ahna loogaqaaday.

Sidoo kale gabdhaha ay dhashay Dr Xaawa Cabdi oo lagu kala Magacabo Deeqo iyo Aamino ayaa waxa ay labadaba u sheegeen Wargayska The Star in hooyodood ay xanaanayn jirtay Haweenka iyo Caruurta oo ay waqtibadan gelinaysay waxana sidoo kale ay tilmaamen in Deeganka uu kuyaalay Cisbitaa iyo Dhul ay daganayeen 90.000 oo qof oo kasoo cararay Colaada kataagan Muqdisho.

COMMENTS